TIMAHAAGU NOOCAY YIHIIN MA TAQAANA?

Mararka qaar inaynaan garanayn nooca timaheenu yihiin waxay caqabad wayn ku noqota daryeelka saxda ah ee aynu siin lahayn timaheena, taas oo keenta inaynu isticmaalno products aan ku haboonayn timaha. 

Qormadan waxan kaaga caawinaynaa maanta inaad si kooban u ogaato nooca timahaagu yihiin kadibna aad qaadato products ka saxda ah ku ah. 

Muuqalkan yar ee hoose waa qaabka ugu fudud ee loo sameeyo tijaabo taas oo lagu oganayo si fudud timahagu noocay yihiin.

1. Hadii aad tahay nooca loo yaqaan high porosity.

  • 1. Ugu horayn timahaagu nafaqada ma kaydsan karaan markiibana nafaqada way qaataan markiibana way tuuran yacni way qalalaan, taasoo hadii aanay qaadan nafaqo badan oo culus oon hore ubaxayn ay ku dhacayso qalayl, daadasho iyo inanay bixin sidoo kalena ay ka guuran meelo kamida madaxa, haday tahay xaga hore iyo haday tahay dhinacyada madaxa kale oy ugu badan tahay dhexdu, taasna waxa kala siman yihiin timaha kale un wayo timo kasta marka ay qalalaan in badana daataan waxay natiijadu ugu danbayn noqota inay timuhu meelo badan ka guuran oo mesha bidaar timaado. 
  • Marwalba products ka ku haboon high porosity gu waa inay yihiin products  ay biyo kujiraan, saliid  iyo subag lagu dahaadho ama cover logu sameyo tinta saanay nafaqadu uga bixin.  
  • Markii aad biyaha ku buufiso, waa inaad ku xigsiisa saliida kadibna wa inaad marisa subaga si nafaqadu ugu xidhmato onay debeda uso bixin. 
  • Waxaad biyaha iyo saliida isticmaalaysa habeen kasta ama habeen dhaaf sidokale waxaad subaga ku daraysa weeki hal ama laba jeer adigoo ka horaysiinaya biyaha iyo saliida
  • Sawirkan hoose ayaa si fudud u sharaxaya qaabka loo kala horaysiinayo. 

Sawirkan waa hadii aanad qaadan derma Rollerka

Hadii adigoo high porosity ah aad leedahay ciladahan products kan isticmaalkooda xooga saar. 

  1. Hadii ay timuhu kaa daadanayaan, sidoo kale qalalan yihiin: Waxa muhiim ah biyaha, saliida iyo Chebe Butter inaad isku isticmaasho. Tani waa setka ugu haboon ee aad qadan lahayd markastod mid ka tagtana waxaad dib u dhigtay faaidaadi aad sida dagdaga ku heli lahayd. Laakin hadana wad dalban kartaa intii awoodaadu tahay adigoo joogtaynaya isbadal la taaban karona aad ku helayso. Halkan ku dhufo sad u dalbato midka RAGA . Halkana ku dhufo sad u dalbato mida DUMARKA
  2. Hadii ay dhinacyada, dhexda ama xaga hore ka banaan tahay tintaadu ama madaxaagu waxa muhiim ah inaad ku darsato DERMA ROLLER iyadana dusheeda  ku dhufo saad ugu darsato.
  3. Hadii ay tintaadu leedahay toxob iyo lafta madaxa oo cuncun leh nadiifna aan ahayn waxaad ku darsata saliida qasilka taas oo aad timahaaga ku radinayso kahor intanad maydhin, waxaanay kaa cawinaysa inay lafta madaxaaga nadiifin u samayso. Halkan ka dalbo ayadana Rag iyo dumar wa iskumid. SALIIDA QASILKA 
  4. Hadii order kaagu ka badan yahay 60 waxaad leedahay offer ah 10% Code kana isticmaal #Welcome

Hadii adigoo high porosity ah aanad lahayn wax cilad ah ama ay ciladaadu badnayn waxaad qadan kartaa products ka aad xiisaynayso markaas Saliida ama subaga midkood, laakiin biyaha kaligood ma qadan kartid!. Markastana laba products kayar ma fiicna inaad isticmaasho waayo nafaqada timahaagu ma haynkaraan taaso macnaheedu tahay hal wax kuma filna. 

2. Hadii aad tahay nooca loo yaqaan Low porosity.

  1. Timahan aad bay xaasaasi u yihiin, waa timo ay fududahay inay daatan, qalalan sidokale ay guuraan. sababtuna waa nafaqada o adag inay gasho maadaama ay dushooda sare xidhan tahay. Timahan ma qaadan karaan products badan iyo sidokale products culus oo ku dhagdhaga madama ay daadanayan. 
  2. Timahan looma ogola gel, salid qumbaha (Coconut oil) iyo sidokale subagyada aan laga taxadarin ee layska dul saarayo ama la marinayo  lagana maydhayn sidoo kalena lagu joogtaynayo.
  3. In kabadan inta ay timaha kale u baahan yihiin product biyo ka samaysan ayay ayagu ugu baahi badan yihiin yacni biyaha wayku nool yihiin iyagu la'aantoodna waxbadan ba adkaanaya, markasta product gaad marinaysa waa inuu khafiif noqdaa (mid aan cuslayn) sidokalena biyo la' mariyaa intan saliid la marin. Biyuhu maaha kuwa qoyaan ka dhigaya ee waa biyo kooban khafiif ah oon badnayn. 
  4. Timahan waxay inta badan dal-dalooladoodu ku furmaan kulaylka iyo huuriska markaas inaad biyo diiran ku maydho sidokale aad weeki halmar qafeedha dabka leh minutes yar ku feedho waxay kaa cawinaysa inay product gu timahaga galan, oo markaas aad fedhayso salida ina mariso wa muhiim maha ayagoo qalalan. 
  5. Product ga ku haboon ee ay tahay khasab inaa marisid waa biyahayaga Magic water iyo Hair growth oil oo aad halkan ka dalban kartid, DUMAR iyo RAG .Kuwani maaha wax ikhtiyaar ku xidhan labadan product ma kala maarmaan timahaaguna aad bay ugu baahan yihiin wana khasab inaad isku isticmaasho. Product ga saddexaad na waa subaga ama Chebe butter kayaga, waa mid aanu ka taxadaraynay bilahan u danbeyey inay isticmaalaan dadka low porosity ga, maadama subagayaga nafaqo iyo bixitaan uu iskugu jiro, dad badana naga codsadeen in ayagana loo fudaydiyo say u marsan lahaayeen. Hada kadib waxaad isticmaali kartaa labadii week hal mar, mudo 30 minute ah adigo kabacdina ka maydhaya.
  6. Halkan ka dalbo Setka oo dhamaystiran RAG iyo DUMAR

Sawirkan hoose waxaad si fiican ugu fahmaysaa Sidaad u kala horaysiinayso product ga iyo saad ukala isticmaalayso. 

 

 

  1. Hadii ay timuhu kaa daadanayaan, sidoo kale qalalan yihiin: Waxa muhiim ah biyaha, saliida. Labadan product waa muhiim waana lama huraan inaad isku isticmaasho. Waxa intaas dheer ku darso Chebe butter adigoo raacaya tilmaamaha sawirka wuxuu aad kaaga caawinaya bishi inaad nafaqo dhamaystiran siiso timahaaga qalaylki badnaana aykasoo laabtan adigoo ku huurinaya 30 minute timaha laba jeer bil kasta, ogow waxkabadan waa khatar , khatartasna adiga ka masuula, sababtoo ah culayskaas subaga ee aad ku daynayso mudo dheer waxay keenaysa daadasho, waayo timahaagu culayska ma qaadi karaan, sidokale 30 kas minute ka dib wa inaad ka maydhata. Halkan ku dhufo sad u dalbato biyaha iyo salida o kaliya mida dumarka iyo setka oo dhamaystiran oo dumarka ah. Halkana ka dalbo biyaha iyo saliida oo Raga ah iyo setka oo dhamaystiran oo Raga ah 
  2. Hadii ay dhinacyada, dhexda ama xaga hore ka banaan tahay tintaadu ama madaxaagu waxa muhiim ah inaad ku darsato Derma roller, iyadana dusheeda  ku dhufo saad ugu darsato.
  3. Hadii ay tintaadu leedahay toxob iyo lafta madaxa oo cuncun leh nadiifna aan ahayn waxaad ku darsata saliida qasilka taas oo aad timahaaga ku radinayso kahor intaanad maydhin, waxaanay kaa cawinaysa inay lafta madaxaaga nadiifin u samayso. Halkan ka dalbo ayadana Rag iyo dumar wa iskumid. Saliida Qasilka . 
  4. Hadii aad dhamaan product gayaga oo dhan rabto inaa isku iibsato waxaad leedahay offer ah 10% Code kana isticmaal #Welcome

 

Hadii adigoo Low porosity ah aanad lahayn wax cilad ah ama ay ciladaadu badnayn waxaad qadan kartaa Biyaha iyo Saliida , laakiin biyaha kaligood ma qadan kartid!. Subagana hadaad qadatid ma dhaafin kartid bishii 2 jeer , 30 minute .

3. Hadii aad tahay nooca loo yaqaan NORMAL POROSITY HAIR ama medium porosity.

  • Timahaagu waa timo normal ah waxaad marisaaba way anfacayaan mushkiladoodana si fudud baa lagu xalin karaa.
  • Timahan nafaqadu si caadiyay ku gashaa waqti dheerna nafaqadooda way haystaan oo markiiba iskama tuuraan. 
  • Uma baahna taxadar iyo waxyaabo dheerada inaad samayso si aad u ilaaliso si caadiya bay u shaqeeyan, saliid kaligeed hadad isticmaasho xata way haysanayan nafaqadas iyo waxad ku shubtaba.
  • Saliida iyo subagu aad bay muhiim ugu yihiin timahan. Iskuna day inaanad product badan isticmaalin, yacni si joogto ah aanad wax umarin waayo intii hore oon ka bixin hadaad waxbadan o kale ka daba gayso timuhu culays bay dareemayaan, sidookalena waxa laga yaaba inaad toxob yeelatid
  • hadii ay ku qalalan yiihin oyna daadanayeen, 2 week ee u horeeyaba nafaqadu timahaaga way usoo noqonaysa markaas wixii danbe dhawr kii maalinba maalin sifiican saliid iyo subag ugu shub oo ku xidh. 
  • 2 jeer week kasta ayaa ka badan subaga iyo saliida ina marisid. 
  • Halkan ka dalbo Saliida iyo subaga Dumar iyo saliida iyo subaga Raga
  • Hadii aad rabto biyaha waad ku darsan kartaa waxaanad isticmaali karta kahor iyo kadiba saliida. Halkan ka dalbo setka oo dhamaystiran Raga iyo dumarka 

Mushkilad kastoo kaa haysata timaha waxa hubaal ah in product gayagu xalinayaan insha allah, anagoo ku kalsoon tayada alaabtayada iyo falcelinta macaamishayada waxan  hubnaa in result dagdaga aad ku helayso mudo kooban. 

Biyahu waxay ka caawiyaan timaha in hadii aad saliida ka horaysiiso ay timahaaga nafaqada u furaan si ay nafaqadu si fudud ugasho. Subixii hadaad marisona waxay kaa kala yaraynaysaa in saliidii iyo subagii aad xalay marsatay ay kaa kala yareeyaan oo timahaagu timo normal ah oo sidii in hada lasoo maydhay oo kale ayka dhigaan. 

Tillbaka till blogg