Isticmaalka Setka

1. Hair Growth Oil

Goormad isticmaali kartaa:

  • Waqti kasta: Xili kasta ood ubahaato wad isticmaali kartaa uma baahnid inaad ka maydho. 

Waqtiyada ay muhiimka tahay:

  • Habeenkii: Si fiican u mari laftada iyo timahagoo dhan habeenkii, waa xiliga ugu muhiimsan ee mushkiladaha ay ka caawiso timaha.
  • Markaad timaha maydho/Dhaqdid: Kadib markay timahaagu si fiican u qalalan wad u isticmaali kartaa timaha inaad ku feedhato/shanlayasato, aadna wayku anfacaysa waqtiyadan. 
  • Saliida isticmaal habeen kasta intay mushkiladu ku haysato, hadii aad tahay dadka madaxooda saliidu ku badan tahayna habeen dhaaf u isticmaal. Markay mushkiladu kaa istaagto sida daadashada waxaad isticmaali kartaa xiliyada aad ubaahan tahay uun.  

Qaab kee u isticmaali kartaa:

  • Si fiican lafta iyo madaxa oo dhan ilaa halka udanbaysa u gaadhsi uguna massage garay timahaga mudo 2 daqiiqo ah adigoo xooga saaraya qaybta fooda hore, kuna yaraynaya qaybta danbe ee qadaadka ama timuhu ka xidhmaan. Qaybtaas danbe/gadaale saliidu hore ugama baxdo markas haku badin.
  • Ha ilaawin baarka timaha.

2. Magic Water.

Goormaad isticmaali kartaa Qaabkee bad se u isticmaali:

  • Habeenkii: Isticmaal kahor intanad marsan saliida.
  • Maalintii:  Markii aad xalay marsatay saliida, si ay timahaagu fresh u noqdan isticmaal biyaha hadii aad nin tahay waliba aanad maydhanayn/qubaysanayn. Sidokale marka aad dareento inay madaxaaga saliidu ku badatay. Hadii aad dumar tahayna isticmaal kaliya markaad dareento saliid badan inuu madaxaagu yeeshay sidokalena hadii aad ubahan tahay subixii inaad timahaga fresh kaga dhigto wad isticmaali kartaa. Ogowna biyuhu waxay ka caawiyaan timaha inay dufanka badan ka ilaaliyaan oo ay isku dheelitiraan nafaqada madaxa, markaas haday timahaagu qalalan yihiin ha isticmaalin biyaha maalinti, kaliya markaad saliida marsanayso un. 
  • Habeenkii xooga yar ku buufi markaad saliida la isticmaalayso, maalintiina intii aad isleedahay waykugu filan tahay. 

3. Butter.

Subaga markaad isticmaalaysid waa muhiim inaad taqaanid qaabka ay timahaagu nafaqada u qaataan, taas na waxaad ku ogaanaysa markaad samayso tijaabada  porosity ga. Tijaabadan waa qasab ina samaysid. 

Goormaad isticmaali kartaa:

Low Porosity Hair: 

  • 1 mar weeki ugu badnaana 2 mar hadaad ka maarmi waydo. Waa qasab inaad subaga ka maydho timahaaga. 

Normal/High Porosity Hair: 

  • 2-3 jeer week gi ugu badnaan: Uma baahnid inaad ka maydho hadaanad adigu awal maydhayn. Sidokale hadi ay nafaqadu kugu badato hal mar uun weeki isticmaal. 

Qaabkee u isticmaali:

For Normal/High Porosity Hair:

  • Marba xooga yar gacantada kusoo qaad iskuna xoq labadaada gacmood oo timahaga dhinackasta ka mari, lafta ilaa halka udanbaysa 
  • Hadii aad Chebe ka ku dareento xasaasiyad hayska gaadhsiin lafta ee tinta uun mari.
  • Kadib Masar ku xidho hadaad guriga joogto. 

For Low Porosity Hair:

  • Malqacad/Qaado kaga guro intaad isleedahay waykugu filantahay subaga oo ku shubo meel kale. 
  • Kadib intii aad ku shubatay meesha kale dhalaali ama diiri oo ka dhig sida saliid oo kale,waxaad isticmaali kartaa cooker ka cadiga aha ama Microwave ka.
  • Ka ilaali inuu kaa karkaro subagas waayo nafaqada ka baxaysa, ku ilaali kaliya inuu kuu dhalaalo oo sidii saliid oo kaliya noqdo. 
  • Kadib marso madaxaga oo dhan si fiicana iskugu massage garay. 
  • Markaad marsato bac ku xidho timahaga kadibna masar. 
  • 30 daqiiqo ilaa sacad kadib ka maydho kagana maydho shampoo. 

 

Talooyin ku saabsan waxyabaha timaha Low Porosity ga ah aad ka ilaalinaysid.

  • Iska ilaali saliida coconut ka ama saliid qumbaha, markastood isticmaasho timahaga wayku culus tahay waxaanay kugu sababaysa daadasho. 
  • Iska ilaali shampoo yada ay kujirto saliid qumnbe, iyo subag yada kala duwan. shampoo kasta oo culus iska ilaali. 
  • Shampoo yada silicon ku kujirto iska ilaali, sababtoo ah siliconku timaha way qurxisa iyadoo dusha sare ee tinta dahaadh kusamaysa, dahaadh kaasina wuxuu sababaya in tintada awalba ayadoo nafaqadu si adag ku galaysay in taasina kabasii xidho.. warbixin faahfaahsan oo kusaabsan low porosity ga fadlan ka akhriso qaybaha kale si aad waxbadan uga barato hadii timahaagu yihiin low porosity. 
Back to blog