Isticmaalka Saliida iyo Subaga - Nooca timaha High porosity

1. Hair Growth Oil

Goormad isticmaali kartaa:

  • Waqti kasta: Xili kasta ood ubahaato wad isticmaali kartaa uma baahnid inaad ka maydho. 

Waqtiyada ay muhiimka tahay:

  • Habeenkii: Si fiican u mari lafta madaxa iyo timahagoo dhan habeenkii, waa xiliga ugu muhiimsan ee mushkiladaha timaha kaa haysta ay saliidu ka caawiso timaha.
  • Markaad timaha maydho/Dhaqdid: Kadib markay timahaagu si fiican u qalalan wad u isticmaali kartaa timaha inaad ku feedhato/shanlayasato, aadna wayku anfacaysa waqtiyadan. 
  • Hadii aad rabto inaad debeda ula baxdid, haysku badin kaliya waxyaro dhaashi ah. 
  • Saliida isticmaal habeen kasta intay mushkiladu ku haysato, hadii aad tahay dadka madaxooda saliidu ku badan tahayna habeen dhaaf u isticmaal. Markay mushkiladu kaa istaagto sida daadashada waxaad isticmaali kartaa xiliyada aad ubaahan tahay uun.  

Qaab kee u isticmaali kartaa:

  • Si fiican lafta iyo madaxa oo dhan ilaa halka udanbaysa u gaadhsi uguna massage garay timahaga mudo 2 daqiiqo ah adigoo xooga saaraya qaybta fooda hore, kuna yaraynaya qaybta danbe ee qadaadka ama timuhu ka xidhmaan. Qaybtaas danbe/gadaale saliidu hore ugama baxdo markas haku badin.
  • Ha ilaawin baarka timaha.

2. Chebe Butter.

Subaga markaad isticmaalaysid waa muhiim inaad taqaanid qaabka ay timahaagu nafaqada u qaataan, taas na waxaad ku ogaanaysa markaad samayso tijaabada  porosity ga. Tijaabadan waa qasab ina samaysid. 

Goormaad isticmaali kartaa:

  • 2-3 jeer week gi ugu badnaan: Uma baahnid inaad ka maydho hadaanad adigu awal maydhayn. Sidokale hadi ay nafaqadu kugu badato hal mar uun weeki isticmaal. 

Qaabkee u isticmaai kartaa:

  • Marba xooga yar gacantada kusoo qaad iskuna xoq labadaada gacmood oo timahaga dhinackasta ka mari, lafta ilaa halka udanbaysa 
  • Hadii aad Chebe ka ku dareento xasaasiyad hayska gaadhsiin lafta ee tinta uun mari.
  • Kadib Masar ku xidho hadaad guriga joogto. 

Hal maalin weeki kamid ah 

  • Maalmaha aad rabto inaad timahaga maydho waxaad umarisa productga qaabkan hoose halmar dhamaantood taas oo kaa cawinaysa nafaqayn badan
  1. Ugu horayn biyaha kushub
  2. Saliida mari
  3. Kadib subaga intaad gacantada kuso qaado, labadaada gacmood isku xoq kadibna madaxaga mari. 
  4. Bac kuxidho
  5. Masarna kuxidho.
  6. Kadib Saacad ama laba saacadood kaga maydho Shampoo. 

Talooyin ku saabsan timahaaga:

  • Ugu horayn timaha low porosity ga ahi nafaqada ma kaydsan karaan markiibana nafaqada way qaataan markiibana way tuuran yacni way qalalaan, taasoo hadii aanay qaadan nafaqo badan oo culus oon hore ubaxayn ay ku dhacayso qalayl, daadasho iyo inanay bixin, sidaas darteed waxaa lagaaga bahan yahay markasta inaad u dheelitirto nafaqada kuna dadaasho waxaad isticmalayso inay kujirto subag iyo biyo. 
  • Iska ilaali shampoo yada sulphate ka leh waayo nafaqo badan bay ka saarayaan. isticmaal shampoo yada ay ku calaamadsan tahay "NO SULPHATE". Sidookale isticmaal shampoo yada aykujiraan waxyaabaha nafaqada ah. 
  • Hays odhan timahaagu way qalalan yihiin markasta, waxa jirta in mararka qaar saacado gudahood nafaqadu kaga baxdo ay qalalan hadana waqti kadib aad aragto ayagi oo qoyan, markaas haku dagdagin inaad waxbadan kushubto timaha ee ukala yaryare, si aan laftadu wasakh badan iyo toxob ugu samaysmin.